Hadaba kulan waynahan waxbarashada M.M jigjiga ayaa waxaa ugu horyn ka hadlay mayarka m.m jigjiga mudane axmed maxamuud axmed oo sheegay in kulankan yahay sii xoojinta iyo abaabulka waxbarasho ee sanad dugsiyeedka 2009TI. Iyo waliba in la diwaan galiyo caruurta maadaamo la joogo wakhtigii diwaangalinta sanad dugsiyeedka 2009TI. Wuxuuna mayarku intaa ku daray inay waalidiintu ku dadaalaan inay caruurta ku dhiiriyaan waxbarashada maadaama waxbarashadu tahay furaha nolasha ee qofku kugu anfici karo isna isku anficikaro, Tahayna mida kali ah ee lagaga bixi karo cadowgeena koobaad oo ah saboolnimadka .
Dhanka kale waxaa iyana kulanka ka hadlay qaar ka mid ah waalidiinta oo sheegay inay diyaar u yihiin sidii ubudka wax loobari lahaa iyo waliba sidii looga dhigi lahaa arday tayo leh oo cidwalba anfaca,Waxayna intaa ku dareen inay kasoo bixi doonaan kaalintooda waalidnimo ee kaga aadan dhanka waxbarashada.
Comments are closed