Jigjiga (NogobNews) 17/09/2016
Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir oo ka dib markii uu abaalmarinta gudoonsiiyay ardayda la hadlay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in markii dhawaan la soo gabagabeeyay shirwaynihii 7aad waxbarashada DDSI ee lagu qiimeeyay geedi socodka waxbarashada sanad dugsiyeedkii 2008TI uu xafiiska abaalmarin gudoon siiyay ardaydii ugu dhibcaha saraysay deegaanka fasalada 12aadka iyo 10aadka. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in ay 3da hablood ee maanta la gudoonsiiyay abaalmarintu qayb ka yihiin hablihii hore loo gudoonsiiyay abaalmarinta, kaaliin 3da hablood oo ka socday degmada mooyaale ee gobolka daawa ay wakhtigaasi ka soo gaadhiwaayeen sidaasi darteedna maanta markii ay yimaadeen la gudoonsiiyay abaalmarintii xafiisku ugu talagalay. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in abaalmarintan tahay mid lagu dhiiragalinayo ardayda deegaanka.Dhankooda ardaydan abaalmarinta la gudoonsiiyay ee ka socday dugsiga sare ee degmada mooyaale ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin abaalmarintan uu xafiiska waxbarashada DDSI gudoonsiiyay waxayna sheegeen in ay dadaalkooda waxbarasha sii xoojinayaan. Abaalmarintan la siiyay ardayda ayaa waxay ahayd laabtoobyo nooca ugu casrisan ah kuwaasi oo u sahli doona ardaydan waxbarashadooda maadaamo oo ay sanadkan jaamacada galayaan.
Comments are closed