Tacsi Tiiraanyo Leh Macalin Caynab Oo Ku Geeriyootay Jigjiga Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

screenshot_2014-09-25-08-43-17-1-1080x400Fiiq (NogobNews) 17/09/2016

Macalin Caynab Cilmi oo ahaa macalin Quraan ahana madax dhaqameed si wayn looga yaqanay Guud ahaan DDSI gaar ahaan gobalada NOGOB iyo ERAR marxuumku wuxuu geeriyoday
habeenimadii Khamiista oo ku beegan 14/9/2016 galinkii danbe ayuu ku naf baxay magaalada Jigjiga isla maalintii khamiisti aya loo qaaday dhinaca gobalka Erar halkaaso lagu assay magalada FIIQ duleedkeeda
marxuumku waxu jiray 85 sano waxuna ku dhashay gobalka nogob gar ahan buurta caanka ah ee Qarijiqood marxuumku waxu dhalay inta nool waa 54 ruux isku dar.

 

alaha u naxariistee Macalin Caynab Cilmi wuxuu ahaa nin diinta dadka bara caana ku ahaa Qur.aanka ahaan madax dhaqameed nabada jecel oo dadka isku soo dhawayn jiray lagana yaqaanay guud ahaan deeganka somalida Ethiopia gar ahaan g/ nogob iyo Erar.

 

Ugu danbayn tacsaida waxa diraya dad fara badan kuwaaso kala joga dalka iyo deegankaba waxan ilaahay uga baryayna in ale naxariistiisa ugu deeqo marxumka janadisa firdowsa ka waraabiyo awlada iyo ehelka qaraabada samir iyo imaan saalix ah ale kawada siiyo aamiin aamiin.

 

Fadlan ruuxii arka qoraalkan tacsida ah marxuumka faataxada kuso kaba intaasa ina faran inshaa alah

Comments are closed