Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii shirkan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada shirkan iyo waxa lagaga hadlidoono mudada uu socdo. Wuxuuna sheegay in lagu qiimayndoona geedi socodkii shaqo ee hirgalinta qorshihii caafimaadka sanadihii aan soo dhaafnay goldaloolada ka jirtay iyo sida loo hirgalinayo qorshaha caafimaadka shanta sano ee soo socota iyada oo laga duulayo ayuu yidhi wasiirka xaqiijinta gaadhsiinta bulshada adeeg caafimaad oo tayo leh loona siman yahay, kobcinta awooda fulineed ee degmooyinka, xaqiijinta iyo isticmaalka xog caafimaad oo sugan iyo xaqiijinta cudud shaqaale oo bixisa daryeel caafimaad oo ku salaysan xushmad, naxariis iyo xilkasnimo.
Shirwaynahan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyada oo mudadasi uu socdo lagu qorfayndoono xaqiijinta adeeg caafimaad oo tayo leh, xaqiijinta iyo isticaalka xog caafimaad oo sugan iyo kobcinta awooda fulineed degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI
Comments are closed