JIGJIGA (NogobNews) 19/09/2016
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo furay tababarkan ayaa kawarbixiyay sooyaalkii taariikheed ee dalka 25kii sano ee udanbaysay iyo faraqa udhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada cusub ee maanta. Wuxuuna sharaxaad dheer kabixiyay sooyaalkii taariikheed ee gaar ahaan deegaanku soo maray iyo isbadalada laxaadka leh ee wakhti gaaban gudihii lagu gaadhay. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray, in nidaamka federalismka ah ee dalka oo kudhisan dimoqraadiyad, sinaan, cadaalad iyo dastuurka oo kali ah ay yihiin kuwa ay itoobiya kusii jiri karto balse nidaamyadii laga soo gudbay ee uu gabbalkoodu dhacay ee boqortooyada iyo gumaysiga kusalaysnaa ee ay rabaan inay Onag, ginboot7 iyo Ubbo ay dib ugu soo celiyaan wadanka aysan marnaba macquul ahayn islamarkaana aysan usuurtagalaynin habayaraatee oo ay hadhkoo cad riyoonayaan.
Comments are closed