Bookh (NogobNews) 21/09/2016
Hadaba mas’uuliyiintan oo halkaa kuladashay qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa kuboorisay inay soo xareeyaan ardayda da’da waxbarashada gaadhay, kuwii horay usii dhigan jiray, ardaydii loox-tuurka ahayd, kuwa dhimirka waxkaqaba ama naafada ah iyo waliba inay isusoo diwaangaliyaan waxbarashada dadka waa wayn. Waxayna intaa kudareen, in gudiyada waalidiinta iyo kuwa degmada oo iskudhafan looga fadhiyo inay guri kasta oo tuulooyinkan kamid ah garaacaan si aan loo arag ilmo da’da waxbarashada gaadhay oo guriga ama banaanka bilaa waxbarasho joogaDhanka kalena, bulshada ayaa balan-qaaday inay kasoo baxayaan hawlaha abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada oo ay tahay mid iyaga udan ah islamarkaana ay iyaga utaala maadaama oo lasoo gaadhsiiyay iyagoo dhankoodana hoosta kaxariiqay inay sii xoojinayaan kaqaybgalka waxbarashada oo ay waliba bilaabi doonaan dhismayaal dugsi oo ay kaqaybgalka bulshada kudhisayaan.
Ugudanbayna, shirwaynahan abaabulka diwaangalinta waxbarashada oo kasocda guud ahaanba deegaanka gaar ahaana degmooyinka gobolka doolo ayaa bari kaqabsoomi doona tuulooyinka mirqaan iyo qaawane isagoo usii gudbi doona degmada cusub ee Galxamur.
Comments are closed