Sh. Shariif Axmed oo soo gaaray Muqdisho iyo Waddooyinka Qaar oo laga xiray Taageerayaashiisa
Muqdisho (NogobNews) 22/09/2016
Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Muqdisho, iyadoo Waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga xiray taageerayaashiisa.
Dadweyne badan oo taageerayaashiisa ah ayaa lagu arkayay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska lambar afar ee Muqdisho, halkaasoo ay buuxiyeen, iyadoo waddada lagu xiray gaadiidka ciidanka booliiska Soomaaliya.
Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa looga adkaaday doorashadii Sannadkii 2012-kii ee uu kusoo baxay madaxweynaha Somalia ee xilka haya Xasan Sh. Maxamuud, wuxuuna ahaa murashaxii ay isla galeen tartankii u dambeeyay.
Waxaa lagu wadaa in Sh. Shariif uu Muqdisho kaga dhawaaqo inuu murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ku biiro, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dabmeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu la hadlo warbaahinta, iyadoo imaashihiisa ay kusoo beegmayso dhawr maalmood kaddib lagu wado inay dalka ka billowdaan doorashooyin.
Comments are closed