Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in kulankan yahay mid diirada lagu saarayo adkaynta iyo xoojinta nidaamka shaqo galida heer deegaan degmoyo gobol iyo maamul magaalo, in la tir tirida lagana hortago aragtida dulsaarnimada,musuqa xoola cirdoonimada lana xoojiyo hirgalinta aragtida horumarineed,in la adkeeyo nidaamka dabagalka shaqooyinka iyo mashaariicaha deegaanka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshaha sanadkan xooga la saarayo dhinaca wax soo saarka beeraha, iyo in la xoojiyo tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda, ka faa’iidaysiga dooxooyinka iyo wabiyada DDSI
Madaxwaynaha DDSI oo ka hadlay xaalada guud ee dalkeena itoobiya ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinkii iyo hagar-daamooyinkii qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ku soo hayn jireen nidaamkii maamulkii kalidii taliskii dhergigu. Wuxuuna sheegay Madaxwaynaha in ay jiraan kooxo ama shaqsiyaad doonaya in dalka dib ugu celiyaan nidaamkaasi islamarkaana doonaya in ay meesha ka saaraan nidaamka federalismka. Madaxwaynaha ayaa aad ugu mahad celiyay dhamaanba qurba joogta DDSI gaar ahaan kuwa waqooyiga America banaan baxyadii ay sameeyeen ee ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan shaqiyaadka aragtida xun ee doonaya nidaamkii dherginimada dalka lagu celiyo.
Dhankooda masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay dar dargalinayaan fulinta shaqooyinka, waxayna sheegeen in ayna marnaba u dulqaadanayn qofkasta ama kooxkasta oo isku dayda in ay xagal daac ku samayso dastuurka dalka iyo nidaamka faderalismka dalkeena itoobiya.
Comments are closed