London Jaaliyadda DDSI Ee UK Banaan-Bax Weyn Oo Laaga Soo Horjeedo Ginbood-7

screenshot_20160925-105139London (NogobNews) 24/09/2016

Jaaliyada DDSI ee ku nool wadanka ingiriiska ayaa soo agaasimay banaan bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan ururada  nabad diidka ah nolol diidka ah,maan gaabka ah ee maskax-doodu  faaruqa tahay ee GiNBOOt7, ONAG IYO UBBO. ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay ee kiniisadaha looga talin-jiray islamarkaana  diidan nidaamka federalismka ah ee dawa noolaanshaha qoomiyadaha daleena itoobiya  iyo dastuurka dalkaba.

 

Baxaan baxan oo maanta galinkii danbe  ka dhacay magaalada London gaar ahaa goobta  high park ee caasimada dalka ingiriiska ayaa waxaa isugu yimiday jaaliyada DDSI ee ku dhaqan wadanka UK oo ka kala socay gobolada dalka ingiriisha iyo caasimadaba, kuwaasi oo  ku dhawaaqayay ‘Ginboot7 down, Onag down iyo ubbo down.’ Taasi  oo macnahoodu yahay ‘hadhaaga  diciifka ah ee ginboot7, Onag iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan’  iyagoo dhanka kalana ay boodhadhka ugu qoraayeen islamarkaana kudhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan nidaamka federalismka ah ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada iyo waliba dastuurka dalka iyag oo sidoo kale ku dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul xukuumada DDSI’

 

screenshot_20160925-114337

20160925_122920

Hogaaminta jaaliyada DDSI ee UK oo la hadashay warbaahinta ku hadasha afka  soomaliga ayaa  amaan, bogaadin iyo taageero balaadhan u soo jeediyay Xisbiga EPRDF ee wadanka ku hogaaminaya nidaamka federalismka ah ee ku salaysan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada islamarkaana uu dhex-yaalo dastuurka loo wada siman yahay.  Waxayna taageero buuxda u muujiyeen xukuumada DDSI ee uu majraha u hayo madaxwayne cabdi maxamuud cumar.

screenshot_20160925-125147

screenshot_20160925-125331Dhanka kale xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo bogaadiyay banaanbaxan ayaa halkan uga hambalyaynaya islamarkaana u mahadcelinaya   jaaliyada DDSI  ee wadanka Ingiriiska  ku nool iyag oo talaabadooda kutilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan.

screenshot_20160925-130003

screenshot_20160925-130458

screenshot_20160925-125331screenshot_20160925-125534screenshot_20160925-125941screenshot_20160925-130047screenshot_20160925-130115screenshot_20160925-130130screenshot_20160925-130219screenshot_20160925-130239screenshot_20160925-130300screenshot_20160925-130326screenshot_20160925-130345screenshot_20160925-130404screenshot_20160925-130458screenshot_20160925-130526

Comments are closed