Daawo USA: Doodii ugu horeysay ee dhexmartay Murashaxiinta Hillary iyo Trump – VIDEO

hillaryMareykanka (NogobNews) 27/09/2016

Waxaa markii ugu horeysay dood fool ka fool ah yeeshay labada murashax Madaxweyne ee Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga Maraykanka, doodan ayaa diirada lagu saaray shaqo abuurista, dhaqaalaha Maraykanka iyo Siyaasada Arrimaha Dibada.

donald_trump_hillary_clinton_2pic

Hillary Clinton oo iyadu horey usoo noqotay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa loo badinayaa inay ku guuleysatay dooda maadaama ay u ekayd qof si weyn ugu soo diyaar garoobay doodan, halka Donald Trump uu marar badan hadalka ka boobay Hillary isla markaana ku hadlay hadalo is khilaafsan.

Bilowgii dooda ayuu Donald Trump si dar darleh u bilaabay balse qeybihii danbe ee dooda ayey muuqatay inuusan si weyn ugu soo diyaar garoobin su’aalaha badan ee la weydiinayey, waxaana muuqatay inuusan si wanaagsan u faah faahin qorshihiisa uu doonayo inuu ku maamulo dalka marka uu xilka qabto.

Dhamaadkii doodan oo Donald Trump la weydiiyey siduu u arko qaabka ay u dhacday ayuu ku dooday in “Microphone” xun la siiyey, wuxuuna sheegay in codbaahiyaha uu ku hadlayey uu ahaa mid kharaabsan oo aysan dadka si fiican u maqli kareyn wuxuu ku hadlayey!

Comments are closed