Jaaliyadda DDSI Belgium oo Ku Banaan-baxay Xarunta EU Brussles Ginboo-7 down

14466346_1814558772155165_2087485562_oBrussels (NogobNews) 28/09/2016

 

Waxaa ka socda guud ahaanba wadamada caalamka banaan bax balaadhan oo ay jaaliyadda DDSI ee  ku nool Caalamka ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan isku dayga ay hadhaaga nafla caaridka ah, ku doonayeen in ay ku xagal daaciyaan nidaamka federalismka iyo dastuurka dalkeena itoobiya.

Haddaba waxaa maanta arruurtii Subaxnimo caasimada dalka Belgiumka ee magaalada Brussels ee Xarun EU ka dhacay Banaan bax Balaadhan oo Jaaliyadda DDSI

ee  ku nool Dalka Belgium ka Waxayna banaan baxan kaga soo horjeedaan  hadhaaga taagta yar ee nabad diidka ah ee doonaya in ay soo nooleeyaan nidaamkii kaligii taliska ee dhargiga ee caadaystay cadaadiska, xasuuqa iyo cabudhiska qoomiyadaha kuwaasi oo ah ururada  GiNBOOt7, ONAG

banaan baxan ayaa waxaa soo agaasimay hogaaminta jaaliyada DDSI ee dalka Belium ka  Waxayna wateen Banaan baxayaashan boodhadh  ay ku qoranyihiin erayo ay ku canbaaraynayaan kagana soo horjeedan ururadaasi. Kuwaasi oo  ku dhawaaqayay ‘Ginboot7 down, Onag down iyo ubbo down.’ Taasi  oo macnahoodu yahay  ‘hadhacaan diciifka ah ee  ginboot7, Onag iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan’  iyagoo dhanka kalana ay boodhadhka ugu qoraayeen islamarkaana kudhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan nidaamka federalismka ah ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada iyo waliba dastuurka  JDFI ee saldhiga u ah nidaamka dimuqoraadiyada, iyo nidaanka koboca  dhaqaale oo  ku salaysan ninaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyo taabagalinta danaha guud ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya    iyaga oo sidoo kale ku dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul xukuumada DDSI.

Hogaaminta jaaliyadda DDSI  ee dalka Brlgium ka oo la hadlayay warbaahinta afka soomaliga ku hadasha ayaa amaan, bogaadin iyo taageero balaadhan u soo jeediyay Xisbiga EPRDF ee wadanka ku hogaaminaya nidaamka federalismka ah ee ku salaysan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada islamarkaana uu dhex-yaalo dastuurka loo wada siman yahay.  Waxayna taageero buuxda u muujiyeen xukuumada DDSI ee uu majraha u hayo madaxwayne Cabdi Mxamuud Cumar.

14467116_1814560162155026_814815431_oDhanka kale  xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa halkan uga hambalyaynaya islamarkaana u mahadcelinaya   jaaliyada DDSI ee dalka Belgium ka  ku nool iyag oo talaabadooda kutilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan

Comments are closed