Daawo Colombia: Shacabka oo afti ku diiday heshiiskii Dowlada iyo Jamhada FARC – VIDEO

colombia-heshiis-farc1-740x415Colombia (NogobNews) 03/10/2016

Shacabka dalka Colombia ayaa Axadii shalay u codeeyey afti lagu ansixinayey heshiiskii dhexmaray dowlada Colombia iyo Jamhada FARC, inta badan shacabka ayaa diiday heshiiskaasi iyo cafiska maleeshiyaadka FARC.

colombia-heshiis-farc1

Jamhada FARC oo ah mida ugu fac weyn Caalamka iyo dowlada Colombia ayaa dagaalkoodu socday muddo 52 sano ah, waxaana heshiiskooda kasoo shaqeeyey dowlada Cuba oo dhex dhexaadineysay labada dhinac.

Wadahadalka labada dhinac ayaa soo socday muddo 4 sano ah iyagoo dhaqan geliyey xabad joojin, waxayna ugu danbeyn wada saxiixdeen heshiiskan Jamhada FARC hubka ku dhigeyso iyadoo cafis loo fidinayo dhamaan maleeshiyaadka kooxdaasi ka tirsanaa.

Waxaa la filayey inay shacabka Colombia ay taageeri doonaan heshiiskan, balse aftidii la qaaday ayey in ka badan 50.2% dadkii codka dhiibtay ay qaadaceen dhaqan gelinta heshiiska, halka 49.8% ay taageereen. Natiijadan ayaa kadis iyo la yaab ku noqotay dowlada iyo dadkii u ololeenayey xal ka gaarista dagaalka nus qarniga soo socday.

Dadka kasoo horjeeda heshiiska ayaa diidmadooda ay tahay in aan la cafin maleeshiyaadka FARC oo danbiyo badan ka galay shacabka, waxayna ku tilmaameen heshiiska mid aan cadaalad u keenayn dadkii loo geystay dilka, dhaca iyo kufsiga.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Alvaro Uribe ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday heshiiskan.

colombia-heshiis-farc2

Madaxweynaha xilka haya Santos ayaa sheegay inuu sii wadi doono wadahadalka uu kula jiro FARC isla markaana xabad joojinta ay weli jirto, isagoona sheegay in markale wadahadalka uu ka furmi doono magaalada Havana ee dalka Cuba. Balse waxaa la saadaalinayaa in Jamhada FARC ayna marnaba ogolaan doonin in xabsi loo diro ciidamadeeda hadii ay hubka dhigto.

Comments are closed