Ninkan oo lagu magacaabo Kutbettin Gülen ayaa laga soo qabtay magaalada xeebta ku taal ee Izmir, waana mid kamid ah sadex nin oo la dhashay Fethullah Gulen oo isagu ku sugan wadanka Maraykanka.
Kutbettin Gülen ayaa la sheegay inuu dhawaan dib ugu soo noqday dalka Turkiga, waxaana horey sidan oo kale loogu xiray nin kale oo ay ilmo adeer yihiin Fethullah Gulen.
Tan iyo wixii ka danbeeyey afgembigii fashilay ee 15kii Luulyo ayey dowlada Turkiga bilowday inay xabsiga dhigto kumanaan taageerayaasha wadaadkan ku nool dalka Maraykanka, waxaana sidoo kale shaqada laga fariisiyey kumanaan kun oo kamid ah shaqaalaha dowlada oo ay ku jiraan Saraakiisha ciidamada, Qareeno, Garsoorayaal iyo Shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee dalkaasi.
Comments are closed