Libya: Suxufi u dhashay dalka Holland oo lagu dilay Sirte

libya-suxufi-hollandLibiya (NogobNews) 03/10/2016

Jeroen Oerlemans oo ahaa suxufi iyo sawir-qaade u dhashay dalka Holland ayaa Axadii shalay lagu dilay magaalada Sirte ee wadanka Liibiya.

libya-suxufi-holland

Suxufigan ayaa kamid ahaa saxaafada warka kasoo tabinayey magaalada Sirte oo ay dagaalo ku dhexmarayaan xoogaga Daacish (ISIS) iyo ciidamada dowlada Liibiya.

Waxaana la sheegay in suxufigan uu la socday ciidamada Dowlada Liibiya, kadibna ay meel dheer kasoo toogteen dagaalyahanada ISIS ee weli ka dagaalamaya qeybo kamid ah magaalada Sirte.

jeroen-sirteJeroen ayaa kamid ahaa suxufiyiinta faro ku tiriska ah ee ajnabiga ah ee hada wararka kasoo tabiya dagaalada kasocda dalka Liibiya. Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyey wadamada Afghaanistaan iyo Siiriya.

Sawirqaadahan ayaa sanadkii 2012 waxaa lagu afduubtay waqooyiga wadanka Siiriya isagoo xiligaasi la socday suxufi kale oo u dhashay UK, waxaana afduub loo heystay muddo 10 maalmood ah kahor intaysan soo siideyn xoogaga Mucaaridka Siiriya.

Comments are closed