Madaxweynaha DDSI oo Tacsi u diray Eheladii 50-qof ee Ku Geeriyooday Oromia

 abdi-maxamuud-cumarJigjiga (NogobNews) 03/10/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kuhadlaya magaciisa, magaca XDSHSI, magaca xukuumada DDSI iyo magaca shacabwaynaha soomaalida itoobiya ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray guud ahaanba dadwaynaha reer itoobiya, gaar ahaan shacabwaynaha deegaanka oromiya khaasatan eheladii iyo qaraabadii dadkii kudhintay munaasabadii irreecha ba’al ee magaalada bishoftu. Taas oo ay kadanbeeyeen ururka nabad-diidka ah ee ONAG ee ay kudhinteen 50ka qof.

Hadaba xukuumada DDSI oo ubaroor-diiqaysa islamarkaana waxyeelada dadka walaalahood ah soo gaadhay laqaybsanaysa kana xun dhacdadaas ayaa mudo 3 bari ah calanka hoos udhigtay ama hoos udajisay.

Comments are closed