Daawo Doorashada USA: Doodii dhexmartay Murashaxiinta Madaxweyne kuxigeenka – VIDEO

doodMareykanka (NogobNews) 05/10/2016

Waxaa xalay markii ugu horeysay dood fool ka fool ah yeeshay Murashaxiinta Maraykanka ee u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Murashaxiinta Madaxweyne kuxigeenka ee Dimuquraadiga Senator Tim Kaine iyo Jamhuuriga Maraykanka Governor Mike Pence ayey dhexmartay dood aad u kulul.

Senator Kaine ayaa weerar adag ku qaaday Murashaxa Jamhuuriga ee Donald Trump iyo aflagaadada uu u geystay dadyowga kala duwan isagoona ku cadaadiyey inuu arrimahaasi jawaab ka bixiyo kuxigeenkiisa Mike Pence.

Balse Mike Pence oo isagu ah kuxigeenka Trump ayaa ah nin dooda yaqaan horeyna usoo ahaa suxufi ka hadlay idaacadaha ayaa si xirfadeysan uga gaabsaday inuu maro wadadii Donald Trump isagoona diirada saaray inuu dooda u jiheeyo dhanka ah inay iyagu yihiin isbedal doon, wuxuuna ku eedeeyey Hillary Clinton in ay ku fashilantay arrimaha siyaasada, isagoo tusaale usoo qaatay fadeexadii Emailada iyo Hay’ada Clinton Foundation.

Ragga u tartamaya Madaxweyne kuxigeenka ayaa loo qorsheeyey inay yeeshaan Doodan oo kaliya, halka Murashaxiinta u tartameysa Madaxweynaha ee Hillary iyo Trump loo qorsheeyey sadex dood oo fool ka fool ah. Waxaana lagu wadaa in dooda 2aad ee Hillary iyo Trump ay yeeshaan Axada soo socota.

Halkan ka daawo qeybihii ugu muhiimsanaa ee dooda:

Comments are closed