Guddoomiye K/xigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland oo ugu horrayn ka hadlay daahurka ayaa sheegay in ujeedada barnaamijku uu la xiriiro soo gudbinta Tubta Geedi socodka ee barnaamijka doorasashadda Puntland oo waqtiyaysan iyo sidii dalka looga bilaabi lahaa Nidaamka xisbiyadda Badan. Sidoo kalena dadka reer Puntland looga saari lahaa nidaamka qabaliga ah, Looguna jihayn lahaa nidaamka xisbiyadda badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod.
Wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka go’antahay hirgalinta iyo socodsiinta jadwalka tubta geeddi-socodka doorashooyinka Dowladda hoose ee Puntland. Waxaana uu ka codsaday dowladda puntland, Ururadda bulshadda rayidka ah iyo Beesha caalamka in gacan buuxda ay guddiga ka siiyaan sidii looga miro dhalin lahaa doorashadda Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kullanka Daahfurka soo afmeeray ayaa sheegay in mudada labada sanno ee ka hartay waqtiga xukuumadiisa uu ku dadaali doono sidii lo fulin lahaa jadwalka doorashadda ee ay guddiga soo gudbiyeen.
Wuxuu sheegay haddii doorashadu ku qabsoomi waydo xiligi loogu talagalay ay xukuumadiisu ku dadaali doonto inay gaarsiiso meel dowladda xigta ay ka soo ambaqaado, balse uu rajaynayo in waqtiga u dhiman ay ku fuliyaan doorashadda.
“ Waxaad moodaa jadwalka sida aan hadda ku socono aanu ku socono waa dhib badnaanaysaa inaan dhamaystirno barnaamijka aanu ku talagalnay, markaa waxaanu u baahan nahay in waqti iyo dadaal badan galino, jadwalka ay soo bandhigeena guddiguna aanu ku dadaalno inay ku hirgalaan” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay
“ Waa taanu niri 2019ka January haddii dowlad ahaan samayn wayno nidaamkaas, wax badan baa dowlanamidii gaaraya runtii, haddii ay suurgaliwaydo inay doorasho dhacdo, waxaanu u baahan nahay meel wanaagsan oo kuwa naga dambeeyaa ay ka ambaqaadi karaan inaanu gaarsiino” ayuu yiri
Daahfurka Bandhiga Tubta doorashooyinka ee Puntland waxaa kaloo taageeray Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland iyo dalladda Ururada aan dowliga ahayn ee PUSAA .
Sida u dhigayo jadwalka doorashadda ee ay guddigu soo bandhigeen Waxaa doorashada gollaha degaanka ee Degmooyinka Puntland la qaban doono dhammaadka bisha December ee 2017, iyadoo saddexda Xisbi ee ku guulaystana lagu dhawaaqi doono bisha January ee sanadka 2018, iyada oo dhammaadka sanadkan la bilaabi doono aqbalaada iyo qabashadda Xisbiyadda u tartamaya dowladaha Hoose.
Sanadkii 2013ka ayaa xukuumadii uu madaxda ka ahaa C/raxmaan Faroole waxay isku dayday in muddo kooban ay ku hirgaliso nidaamka Axsaabta badan, islamarkaana ay qabato doorashooyinka gollaha Degaanka, Taasi oo la joojiyay bartamihii isla sanadkaasi markii dadweynuhu ay ka soo horjeesteen, dadna ay ku dhinteen.
Comments are closed