Kulan Lagaga Hadlayay Horumarinta Warshadaha Iyo Iskaashatooyinka DDSI oo Ka Furmay Jigjiga.

ddsiJigjiga (NogobNews) 07/10/2016

Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay qaaday  dadaalo balaadhan  oo kor loogu qaadayo nidaamka shaqo abuurka iyo tir-tirida camal-la’aanta, iyada oo ay xukuumadu  dajisay siyaasado, tabooyin iyo xeelada lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar sal balaadhan oo joogtaysan. Waxaana xusid mudan in xukumada DDSI boqolaal milyan oo lacag dayn ah  amaahisay iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira DDSI si loo tir tiro saboolnimada iyo camal-laanta.


Haddaba waxaa ka dhacay maanta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayo nidaamka horumarinta warshadaha yar yar, xoojinta iskaashatooyinka  iyo ganacsiga. waxaana lagu soo bandhigayay kulankan fursahadaha uu bixinayo Bangiga Horumarinta Itoobiya.


Waxaana, ka soo qaybgalay kulankaasi madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmad faarax

, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid yihiin maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee JDFI mudane Asaw Ababe, madaxwayne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Itoobiya mudane tashome Alamu, gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya ee  laantiida DDSI, xafiisyada heer deegaan ee ay bahwadaagta yihiin bangiga, iskaashatooyinka, shirkadaha ganacsatada ah iyo  ganacsatada DDSI.


Waxaana, furitaankii kulankaasi  ka hadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay dadaalka ay xukuumada DDSI iyo dalkeena itoobiya ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimda iyo camal la’aanta  taasi oo sal looga dhigayo ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku abuurida, xoojinta iyo hirgalinta nidaamka warshadaha oo lagu hagayo laguna gaadhayo  xoojinta wax soo saarka beeraha. Waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in xukuumada DDSI ahmiyada gaar ah siisay sidii looga midho dhalin lahaa nidaamka horumarinta warshadaha. Waxayna madaxwayne ku xigeenku ku boorisay qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI in ay ka faa’iidaystaan bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI oo bixinaysa dayn bilaa ribo ah aan dulsaar lahayn.

Maareeyaha guud ee wakaalada warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe mudane Asaw Ababe iyo madaxwayne ku xigeenka bandhiga horumarinta itoobiya mudane Tashome Alamu ayaa soo bandhigay nidaamka shaqo ee bangiga horumarinta itoobiya. waxayna sharax dheer ka bixiyeen daymaha uu bixinayo bangigan wuxuuna diyaar u yahay ayay yidhaahdeen bixinta daymaha  bilaa ribada ah si loo xoojiyo iskaashatooyinka iyo warshadaha waxayna sheegeen in uu bandhiga horumarinta itoobiya xarumo ka furtay magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, Goday iyo magaalada  doolo-cadow.

Comments are closed