Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addis ababa, Isagoo halkaa kaga qaybgali doona shir ay si wada jir ah u wada yeelanayaan golaha wakiilada shacabka iyo golaha federationka dalka maalinka bari ah.
Hadaba shirkan ayaa waxaa dhinaca degaankeena ku wahelinaya madaxwaynaha xubnihii kamidka ahaa golaha wakiilada shacabka ee dalka iyo golaha federationka oo uu ugu horeeyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax iyo masuuliyiin kale.
Comments are closed