Ammaanka deegaanada Puntland oo si weyn loo adkeeyey
Garoowe (NogobNews) 10/10/2016
Iyadoo dhawaan ay ka dhici doonto deegnada Puntland doorashooyinka dadban ee ee xubnaha baarlamanaka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la dkeyey Ammaanka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland-Soomaaliya.
Waddooyinka magaalada Garowe ayaa waxaa la dhigay baro kantarol oo hor leh, kuwaasi oo lagu sugayo amniga, isla markaana lagu baarayo gaadiidka iyo Shacabka isticmaalaya wadooyinka.
Jeneraal Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg taliyaha ciidanka booliska Puntland ayaa sheegay xili uu la hadlayey warbaahinta in ay socdaan howl galo amniga lagu sugayo si looga hortago khatar walbaoo amniga lid ku ah.
Howl galkan ka socda Garowe ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili laamaha amniga Puntland heegan la geliyey isla markanaa la faray in ay ka feejinaan dherrada ah muujiyaan
Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa marxalad doorasho.
Comments are closed