Itoobiya oo Ku Eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea Qeyb ka Qaateen Rabshadaha
Addisababa (NogobNews) 10/10/2016
Xukuumadda Itoobiya, ayaa ku eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadaha Waddankeeda ka dhacayay bilihii lasoo dhaafay, kuwaasoo sababay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo dalkaas.
Wasiirka Warfaafinta Dalka Itoobiya, Getachew Reda ayaa sheegay in dad shisheeye ah ay rabshadaha hurinayaan, tababarayaan ayna lacag siinayaan kooxaha Mucaaradka ah ee ka dambeeya rabshadaha Itoobiya ka socda.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa difaacay Xaaladda Deg-degga ah ee lagu soo rogay dalkaas, isagoo sheegay inay jiraan kooxo dambiilayaal ah qaab Siyaasadeed u abaabulan oo beegsanaya shacabka.
Ciidamada Federaalka Itoobiya, ayaa dalka oo dhan la geeyay si rabshadhaa uga hortagaan, waxaana la mamuucay Dibad-baxyadii dhacayay. Tallaabadaan ayaa waxaa la qaaday xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay dalkaas ka socdeen mudaaharaadyo wadamada shisheeye ay hurinayaan.
Mudaharaadyadaan Rabshadaha wata, ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu khatarta badnaa ee dalkaas soo mara muddo Rubuc Qarni ah. Inkastoo Xukuumaddu ay sheegtay inay muddo kooban kusoo celinayso xasilloonida dalka oo dhan.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda deg-degga ah loola jeeday in lagu Mamnuuco bannaan-baxyada. Isagoo yiri. “Si loo dhawro Xasilloonida shacabka Dowladdu waxay go’aansatay inay muhiim tahay in si KMG ah loo joojiyo mudaharaadyada sii soda.”
“Rabshadaha hubaysan ee ay wadaan kooxaha dambiileyaasha ah ayaa lagu beegsanayaa xarumaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dhaqaalaha. Sidoo kalena waxaanu haynaa caddeymo sugan oo muujinaya inay rabshadahan ka dambeeyaan dad aan doonayn in Xukuumadda ay Itoobiya ridaan, balse doonaya inay Gebi ahaan Itoobiya afka dhulka u geliyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Getachew.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, ayaa intaas ku daray inay baaritaanno ku sameyn doonaan eedeyaha ku aadan in ciidammo Booliis ah oo direyska iska dhigay ay laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Ugu dambeyn, Mudaaharaadyada rabshadaha wata ee dalka Itoobiya ka socda, ayaa waxaa wada Oromada iyo Amxaarada, Ismaamulka somalida itoobiya ayaa lagu amaanay in ay yihiin ismaamulka waqtigan xaadirka ah ku talaabsaday hormar iyo nabadgalyo iyo maamul suuban
Comments are closed