Jigjiga (NogobNews) 11/10/2016
Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa arimaha xisbiga ee M.M jigjiga mudane cabdulaahi muxumed faarax oo sheegay inuu kulankani yahay mid lagu shaacinayo misaaniyada M.M jigjiga islamarkaan la doonayo inuu shacabku ogaado misaaniyadooda intay dhantahay iyo meesha ay ku baxday tasoo noqonaysa mid cadcadaan iyo isla xisaabtan ku dheehantahay iskuna xidhaysa bulshada iyo maamulka magaalaga .
Dhanka kale waxaa isana kulanka ka hadlay madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta M.M jigjiga mudane Axmed Saalax Xuseen oo sheegay in kulankan lagu shaacinayo miisaniyadii sanada 2009TI isla markaana loo baahanyahay inaad u ogaataan si cadcadaan iyo isla xisaabtan ku dheehantahay. Wuxuuna masuulku intaa ku daray in wadarta guud ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee M.M jigjiga tahay 190,032,977. Oo kala ah mushaar(74,934,926) hawlfulin(15,485,092) mashaariic (99,612,950) tasoo wadarteeda guud noqonayso 190,032,977. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadalay qaar kamid ah bulshadii kasoo qaybgalay kulanka oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin shaacinta miisaaniyada 2009TI ee M.M jigjiga maadaama lasoo bandhigay si cadcadaan ku dheehantahay . Waxayna intaa ku dareen inay daba gali doonaan ogaana doonaan in waxqabadkii laagu talagalay lagu qabtay iyo in kale
Comments are closed