Shirkadda Samsung ee gebi ahaanba joojisey iibka Galaxy Note 7

galaxy-note-7Mareykanka (NogobNews) 11/10/2016

Shirkadda Samsung ee samysa qalabka Elektroonikada ayaa joojisey iibgeynta mid kamid ah Telefoonadeeda casriga ah kaas oo ah Galaxy Note 7, kadib markii ay dib ula noqotey kuwii ay suuqyada caalamka ku siideysey.

Macaamiisha horey u iibsadey ayaa lagula taliyey in ay iska xiraan kadib markii laga helay cilad kuleyl beteriga ku dhacaysa taas oo sababtey in telefonku qarxo.

Muddo bil ah ayaa shirkadda Samsung waxay waddey in ay dib ula noqto 2.5 Milyan oo Galaxy Note 7 ah.

Todobaadkii hore ayey shirkaddu bilowdey in ay magdhaw siiso macaamiisha horey u gatey telefonkeeda ciladdu la soo dersitey.

Tan iyo markii ay soo baxdey ciladda telefoonka Galaxy Note 7 oo ah mid khatar gelin karta qofka wata, ayaa waxaa hoos u dhacay sicirka saamiyadda ee shirkadda Samsung.

Comments are closed