Komishineerka Komishinka Musuqa DDSI Oo Sheegay In Ay Dhamaatay Xiligii Dulqaadka Iyo Wacyigalintu.

gomishankaJigjiga (NogobNews) 13/10/2016

Komishineerka guud ee komoshinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud  oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay istaraatajiyadaha, jihooyinka iyo qorshayaasha u dajisan komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa ee lagu tir-tirayo musuq maasuqa.

Wuxuuna komishinku sheegay in ujeedooyinkii ay xukuumada DDSI u aas aastay una hirgalisay komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa uu ahaa abuuritaanka bulsha ka madax banaan musuqa kuna baraarugsan waxyeelada iyo aafada  musuqa taasina laga guul gaadhay  iyada oo la adeegsanayo tababaro iyo wacyigalin la xidhidha siyaabaha loola dagaalamo musuqa iyo dhibaatooyinka uu u leeyahay adeegyada horumarka sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo guud ahaanba adeegyada horumarineed. Komishineerka ayaa sheegay in wacyigalinta iyo tababaradaasi uu komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqu  siiyay hogaminta sare hogaaminta dhexe iyo shaqaalaha dawlada  iyo waliba  qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI  taasi oo fagaarayaal kala duwan loogu qabtay kulamo iyo shirar lagu fahan siinayo waxa uu yahay musuqu iyo sida loo  xakameeyo dhibaatooyinka musuqa iyo nidaam xumada lumisa  geedi socodka shaqada.

Komoshineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane maxamuud cabdiqaadir oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay in qorshayaashii iyo ujeedooyinkii loo aas aasay komishinka uu guulo waawayn oo gashi horumarineed u noqday bulshada DDSI ka soo hooyay tan iyo intii la hirgaliyay komishinkan. Wuxuuna  tilmaamay in musuqu yahay aafooyinka ugu waawayn ee mija xaabiya nidaamka dawliga ah, dimuqoraadiyada iyo adeegyada horumarika ee bulshada, isaga oo sheegay  dhibaatooyinkii  banaa ee musuqu ku soo hayn jiray  deegaanka. Wuxuuna komoshineerku tilmaamay in ay  dhamaatay wakhtigii wacyigalinta iyo dulqaadka taasi oo uu sheegay in  shantii sano ee hore ku soo jiray komishinku wacyigalinta iyo tababarada, hadda wixii  ka danbeeyana uu diirada saarayo  sidii loo qaban lahaa sharcigana loo marin lahaa qofkii gala musuqa, qofkii iskudaya in uu difaaco ka galay musuqa iyo qofkii aan soo sheegin isaga oo og ama arkaya qofka musuqa galay ee qariya.

Komoshineerka komishinka ayaa carabka ku adkeeyay in qorshaha sanadka 2009TI iyo waliba qorshaha shanta sano  xooga saarayaan sidii xididada  loogu saarilahaa loona tir-tirilahaa musuq maamuqa gaar ahaan musuqa  dhinacyada dhulka, dakhliga, iibka waawayn, mashaariicaha horumarineed, cadaalada, nidaamka adeeg bixinta, sharicyada iyo maamulka suuban.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay komishineerku in   haba yaraatee aan wax dulqaad ah loo muujinayn cidkasta oo gasha musuq iyo cidii ku garab siisa. isaga ioo ay taghay   in komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqu awood u leeyahay in uu  baadhitaan ku sameeyo, guryaha, dhulka, gaadiidka iyo goob kasta oo looga shikiyo dambiyada la xidhiidha musuqa.wuxuuna ku soo afmeeray komishineerku murtida ah” komishinbaa maanta jira mudida oo afaystay,  micida soo faystay oo musuqa dabar-gaynayee mareegta iyo dabinka xidhan ismoogaan ha ugu dhicin”. 

Comments are closed