Jigjiga (NogobNews) 13/10/2016
Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed ow cali kaahin oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in qorshaha 2009TI uu qaatay xafiisku iyo deegaankuba yahay in kor loo qaado waxsoosaarka beeraha iyadoo la isticmaalayo technologiyada casiraga ah wuxuuna masuulku intaa kudaray in khariirad usamaynta carada deegaanka ay kaalin mug leh ku yeelan doonto waxsoosaarka deegaanka islmarkaana sanadan lawado dadaalo kor loogu qaadayo damaana qaadka cuntada iyo waliba dadka la baro.
Dhanka kale khabiir sare oo ka socday wakaalada isbadalka beeraha (agricultural transformation Ageny) mudane bahaylu kasaahun ayaa sheegay inay 38 degmo oo deegaanka ah usamayn doonaan khariirada lagu baadhayo laguna ogaanayo nooca carada ay tahay waxa ay ku haboontahay in lagu beero islamarkaana loosii dhaadhicn doona tuulooyinka deegaanka . Isagoo intaa kudaray inay meelo badan oo dalka ah kasoo sameyeen khariirad usamaynta carada.
Comments are closed