Wasiirka Qurbajoogta DDSI mudane Cabdiwahaab Yuusuf Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta DDSI ayaa si balaadhan u amaanay una mahad-celiyay dhamaanba qurba joogta DDSI ee ku nool qaaradaha aduunka.
Maareeyaha ayaa ku amaanay qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan qaaradaha aduunka sida geesinimada iyo wadaniyada leh ee ay banaan baxyadii balaadhnaa ee ay ka sameeyeen qaaradaha aduunka in ay indhaha caalamka ku tuseen sida ay wadankooda itoobiya uga difaacayaan cadawga nabaddiidka hadhaagii ururada, Ginboot7, Onag UBBO iyo wixii la halmaala ee isku dayay in ay dalkeena itoobiya dib ugu celiyeen heeryadii guumaysiga ee ay u cuntamilaadahay nidaanka faderalismka ee ah wada noolaanshaha iyo sinaanta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyo waliba dastuurka dalka.
Maareeyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay banaan baxyadii ay sameeyeen qurba joogta DDSI ee wadamada waqooyiga America, qurba joogta DDSI ee Australia, UK, Scandinavian, Benelux, faransiiska, Jarmalka iyo waliba qurba joogta DDSI ee ku dhaqan wadanka Keniya wuxuuna sheegay in ay dhamaanba qurba joogtani mudan yihiin amaan iyo mahadnaq gaar ah.
Dhanka kale maareeeyuhu waxa uu warbaahinta deegaanka sharax dheerka siiyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI ee ku salaysan dar-dargalinta iyo sii xoojinta xidhiidhka qurba joogta DDSI. maareeyaha ayaa aad ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaytay deegaankooda. Wuxuuna sheegay in ay kaalin miisaan culus ka qaateen hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee ka hirgalay deegaanka. Isaga oo sheegay in la sii xoojinayo nidaanka Maalgashiga qurba joogta.
Ugu danbayntii maareeyaha ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI ee ku nool qaaradaha aduunka in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay siina adkeeyaan ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka iyo nabadgalayda ee deegaanka iyo dalka.
Comments are closed