Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Ee Gobalka Erer Oo Soo Gabagaboobey

screenshot_20161014-060427Fiiq (NogobNews) 14/10/2016

Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka Erer oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobalka Erer ayaa kusoo gabagaboobey magaalada Fiiq ee xarunta gobalka Erer.

fb_img_1476414215609Hadaba shirka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka Erer oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobalka Erer mudane Axmed Xaaji Adan ayaa sheegay in shirkan uu yahay shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI kasoo xooga lagu saarayay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee horumarka sida beeraha, biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee adeeg bixinta bulshada . Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay masuuliyiinta in waxqabadyada ay soo jeediyeen rubaca 1aad iska saxaan wixii dhaliil ah ku jira islamarkaana ay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday guud ahaan DDSI.

fb_img_1476414218839Dhanka kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka Erer oo sheegay inay soo jeediyaan waxqabkii ay qabanteen rubac 1aad iyagoo intaa ku daray inay iska sixi doonaan wixii dhaliil ah ee loosoo jeediyay

fb_img_1476414235589fb_img_1476414212535fb_img_1476414209562

Comments are closed