FBI oo sheegtey in ay fashiliyeen weerar lagu qaadi lahaa Soomaalida Kansas

ddsiMareykanka (NogobNews) 15/10/2016

Xubno ka tirsanaa koox hubeysan oo la baxdey The Crusaders (Saliibiyiin) oo ka dhisan dalka Maraykanka ayaa qorsheeyey in ay weerar ku qaadaan dhisme aad u weyn oo ay deganaayeen ugu yaraan 120 Soomaali ah kaas oo kaqayb kamid ah Masjid u isticmaali jireen Soomaalida degan Kansas City, sidaas waxaa sheegay FBI.

 

Maamulka Federalka Maraykanka ayaa sheegay in ay qabteen saddex nin oo ku eedeysnaa weerarka Bomka ah ee fashilmey.

Tom Beall kusima xeer ilaaliyaha guud ee Maraykan ayaa sheegay gelinkii danbe ee Jimcada, in saddexda nin lagu soo oogay denbiga ah Argagixisada gudaha, kuwaas oo doonaayey in ay qarxiyaan guri ay deganaayeen Soomaalida iyo qaxootiga qoysaskoodu qayb kamid ahna u isticmaali jireen goob ay ku cibaadeystaan.

Tom Beall ayaa sheegay in ay kooxdan xagjirka ah qorsheysteen in ay weerarkooda u istcmaalaan gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Kansas city

Weerka ayey qorsheynayeen in ay fuliyaan 9 Nofeembar oo ku beegan maalin Jimce ah, markaas oo guriga Masjid ahaanta loo isticmaalayey ay isugu yimaadaan dad ka badan 100 qof.

Sawirada saddexda nin ee la qabtey

Saddexda nin ee ka tirsanaa koox hubeysan oo la baxdey Saliibiyiinta ayaa lagu kala sheegay Curtis Allen 49 sano jir, Given Wright 49 jir iyo Patrick Stein 47 jir, waxaana subaxnimadii Jimacada lagu qabtey magaalada Liberal.

FBI-da ayaa daba socotey qorshaha nimankan tan iyo bishii Febaraayo 2016, Saddexdan nin ayaa khatar ugu jira in lagu xukumo xabsi daa’in.

Comments are closed