Xafiiska TVET-ka oo Tababar ku Soo Gabagabeeyay Magaalada Dhagaxbuur

screenshot_20161016-210540Dhagaxbuur (NN) 16/10/2016

Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur tababar muddo shan  maalmood ah u socday xubnaha iskaashatooyinka ka hawlgala MM dhagaxbuur.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo kaashanaya wakaalada horumarinta shirkadaha yar yare e DDSi ayaa waxaa xafladii lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Xaxane Cilmi, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.

Waxaana ugu horaynii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuna sheegay in uu ahaa tababar kor loogu qaadayay xirfada aqooneed ganacsi ee iskaashatooyinka si ay u noqdaan iskaashatooyink wax soo saarkoodu aad u taya sareeyo. Wuxuuna ku booriyay xubnaha qaatay tababarka in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan kaga faa’iidaystaan  kor u qaadida xirfada ganacsigooda.

screenshot_20161016-211234Waxaa kale oo ka hadlay xidhitaankii tababarkangudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarku iyo siyaabaha ay xubnaha iskaashatooyinku uga faa-iidaysanayaan waxayna ku booriyeen in ay faa’iidada ay tababarkan ka heleen uu noqdo mid wax soo saara oo midho dhala.

Comments are closed