Munaasabada 9aad Ee Xuska Maalinta Calanka Qaranka Oo Si Balaadhan Looga Xusay Jigjiga.

screenshot_20161017-171352Jigjiga (NN) 17/10/2016

waxaa maanta si meeqaam sare ah  looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya  caasimadiisa jigjiga munaasabada  9,aad ee  xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga faderaalka itoobiya.

Hadaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI, Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ,ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaalada DDSI, shaqaalaha kaladuwan ee xafiisyada heer deegaan, odayaasha dhaqanka deegaanka, waliba qurba joogta DDSI ee ku sugan jigjiga. Iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.

screenshot_20161017-171659Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka qaranka Madaxwaynaha DDSI mudanemadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo si qoto dheer ugu warbixiyay ahmiyada ay leeyahay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaana  ugu horayntii u hanbalyeeyay guud ahaanba shacabka reer itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan  munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku  wayn tahay  quluubta iyo qalbiyada  dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI. Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in  calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madaxbanaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay soolyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka dhibaatooyinkii iyo cadaadisyadii ay shacabka reer itoobiya ku soo hayn jireen talisyadii boqortooyadii iyo tii dhargiga. Wuxuuna ku booriyay shacabka DDSI in ay sii xoojiyaan hirgalinta hawlaha horumarka gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.

screenshot_20161017-171719Waxaa sidoo kale heeso iyo gabayo soo bandhigay  Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranku

screenshot_20161017-171732

Comments are closed