Musharixiinta Aqalka sare Jubbaland 16-Xubnood laba kamid ah ddumar

screenshot_20161018-133219Kismaayo (NogobNews) 18/2016

Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada Aqalka sare ee baarlamanka dalka ayaa maanta khudbado ka horjeediyay mudaneyaasha baarlamanka Jubaland, ayagoo soo bandhigay waxyaalaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan xilkaasi.

Musharixiinta u tartameeysa kamid noqoshada golaha aqalka sare ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweeyne kuxigeenkii hore ee Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Siyaasi Maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka dalka ee uu waqtigoodii dhamaaday.

Musharixiinta Aqalka sare ee soo xaadiray oo tiradoodu gaareeyso ilaa 16 musharax oo laba kamid ah ay ahaayeen dumar ayaa waxa ay mudanayaasha ka horjeediyeen khudbadahooda ku aadan waxbqabadkooda.
Shalay ayay mudanayaasha baarlamanka Jubaland iska dhex doorteen ilaa 11 xubnood oo loo xilsaaray  arimaha doorashada aqalka sare.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in si rasmi ah ay magaalada Kismaayo uga bilaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Comments are closed