HRW: Xorriyada saxaafada oo halis ku jirta gudaha Soomaaliya

20161021636126147044757239201610216361261222843655342016-somalia-press-freedomMuqdisho (NogobNews) 21/10/2016

 

Hayada xaquuqul insaanka u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in xorriyada saxaafadu halis ku jirto gudaha Soomaaliya.

Waxay Human Rights Watch (HRW) sheegtay in Talaadadii la soo dhaafay xaalad adag ay mar kale soo food saartay saxaafada kadib markii hayadaha ammaanku xireen Xamza Maxamed oo ah wariye Soomaaliyeed oo Aljazeera u shaqeeya walow ay sii daayeen tafatirihii Xog-ogaal Cabdi Aadan Guuleed.

Cabdi Aadan Guuleed ayaa hayadaha ammaanku xireen saddex maalmood waxaana la sii daayay asagoon wax maxkamadeyn ah la marin. Sidaa waxaa sheegtay HRW.

Xamza Maxamed ayaa asaga waxaa lala xiray saddex qof oo kale oo ay isla shaqeynayeen markaa. Shalay Khamiistii ayaa la sii daayay ayaga.

Si kastaba ha ahaatee HRW  ayaa sheegtay in hayada nabad sugida dawlada ee NISA ay ugu cudr daartay in xiritaankaa ay u samaysay danta ammaanka qaranka darteed.

NISA ayaa ku eedeysay warbaahinta in ay fursad usiiso Al-Shabaab in warar wax kama jiraan ah ay gudbiyaan.

QM ayaa sheegtay ayana in 30 wariye lagu dilay Soomaaliya intii u dhexeysay Agoosto 2012 ilaa Juun 2016.

Comments are closed