Madaxweynaha DDSI oo Kulan La Yeeshay Shaqaalihii Hormuudka Degmooyinka

screenshot_20161022-233504Jigjiga (NN) 22/10/2016

madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumarayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalihii hormuudka ahaa ee ku xaraysnaa macadka maaraynta DDSI, Isagoo usheegay in mudadii 5ta bilood ahayd ee ay xaraysnaayeen la barayay siday ku noqon lahaayeen hogaamin degmo iyo waliba nidaamka hogaamintu ushaqayso. Wuxuuna madaxwaynuhuintaa kudaray in maanta dhamaantiin aad gacmihiina ku qaadanaysaan bakhtiyaanasiibkiina .

 Waxaana  sidii horayba uga dhici jirtay hoolka shirarka ee sayid maxamed  ee ahayd gacantaada isku shaqaalaysii oo kale uga   qabsoomay gacantaada hogaamin degmo ku qaado hool kamid ah hoolalka shirarka ee macadka maaraynta DDSI. Hadaba hogaamintan oo ahaa aradaydii horay loogu dhaadhiciyay degmooyinka kala duwan deegaanka isuguna jiray degree iyo diploma  tiradooduna tahay 406 xubnood oo laga soo xulay dhamaan degmooyinka deeganka islamarkaan kasoo shaqeeyay goobihii lagu shaqaalay siiyay ayaa maanta loo dhigay bakhtiyaanasiibkii ay horay uqaateen oo kale tasoo shaqasi walba gacantiisa ku qaatay ama ku hadhay inuu hogaamin degmo noqdo . Waxaana 406 xubnood ee loo dhigay bakhtiyaa nasiibka ka helay inay noqdaan hogaamin degmo 255 xubnood iyadoo xubnaha aan helina ay shaqadoodii hore kulaaban doonaan islmarkaana ay noqon doonaan hogaaminta degmoyinka DDSI ee mustaqbalka.

Sikastaba ha ahaatee xubnahan loo dhigay bakhtiyaanasiibka yaa ah kuwo lagu soo xulay shaqo wanaag iyo amar qaadasho iyagoo goobihii lagu qoray kasoo shaqeeyay in muda ah islamarkaan looga yeedhay goobihii shaqo ay ku sugnaayeen  si eex iyo ni jaclaysiba ka reebantahay.

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii hogaaminta degmooyinka ee bakhtiyaa nasiibka qaatay oo sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka la qaadanayo taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebatahay eex iyo nin jeclaysi. Waxayna intaa ku dareen in qof walba gacantiisa uu wax ku helay ama kuwaayay .

Comments are closed