Sidoo kale, Afhayeenka Maamulka Galmudug, C/llaahi Xaashi Faarax oo Warhaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka la geeyay Cadaado ay sugi doonaan Amniga ergooyinka doorashada ka qayb-qaadanaya.
“Ciidamada ka socda AMISOM ee Cadaado la keenay, waa kuwo ka qayb-qaadan doona sugidda amniga magaalada inta ay socoto doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Galmudug.
Dhanka kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidanka AMISOM ka tirsan ee la geeyay Cadaado ay tiradoodu dhan tahay boqollaal Askari, wuxuuna ku daray intaas in kuwo kale ay dhawaan gaari doonaan magaalada Cadaado.
Ugu dambeyn, Ciidamadan ka socda Midowga Afrika ee la geeyay Cadaado, ayaa waxay imaanayaa xilli dhawaan ay magaaladaas sodaal indho-indheyn ah ku tageen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Somalia oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Midowga Afrika, Jen. Cismaan Subage
Comments are closed