Dowladda Norway oo kala noqotay sharciga Soomaali badan.

norweyNorway (NogobNews) 24/10/2016

Dowladda Norway ayaa sharciga kala noqotay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi, iyadoo lagu wado in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Inta la ogyahay ee sharciga aqoonsiga lagala noqday ayaa ka badan 1600 qof oo Soomaali ah, taasi oo wel-wel ku abuurtay Soomaali badan oo ku nool dalkaasi.

Norway ayaa sheegtay inay u cuskatey dib u celinta dadka sharci dastuuri ah oo u ogolaanaya soo galootiga sharciyada la siiyo in markii la rabo lagala noqon karo aqoonsiga marka ay dalalkoodu ay xasilooni ka dhalato.

Dadka qaarkood ayaa la sheegayaa in lagu celinayo si qasab ah, waxaa ku jira hooyooyin laga wado carruurtooda, iyadoo ay saameyn weyn ku yeelatay go’aankan dhamaan soogalootiga ku nool dalka Norway.

Inta badan dadka la celinayo waxa ku leeyihiin dalka Norway xarumo ganacsi, isla markaana waxa ku dhaleen carruur.

Comments are closed