Madaxweynaha DDSI oo Xadhiga Kajaray Buundada Cusub Degmada Waangey

screenshot_20161025-103728Waangey (NN) 24/10/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray buundada waangey oo dheererkeedu dhanyahay 97M. Taasoo dhamaan shacabwaynaha kunool deegaanka soomaalida itoobiya farxad balaadhan uleh, gaar ahaan shacabka kunool degmooyinka Lagahida, Salaxaad, Xamaro, Qubi, Gobalka Liibaan iyo waliba gobolka Afdheeroo ay caqabado badan oo waliba dhimasho leh ka haystay buunda la aantaas wabiga shabeele,

screenshot_20161025-112936Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarkii buunadadan waangay kahadlay ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay goobtaas isagoo si qodo dheer uga sheekeeyay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee bulshada 3 gobol kunool kuna qasbijirtay meel 60-100 KM ujirta inay kasoo wareegaan masaafo dhan 3000 KM . madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaan dheer kabixiyay tubta loomaray samaynta buundadan iyo dadaalka ay xukuumadu habeen iyo maalinba kubixinaysay.

screenshot_20161025-113007Sidookalana, Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay bulshada kunool 3  Gobol ee Erer, Afdheer iyo Liibaan in ay dhamaatay rafaadkii iyo silicii masaafada dheer . wuxuuna tilmaamay in buundadani waxwayn katari doonta dhanka dhaqaalaha, Ganacsiga iyo isuscodka bulshada.

Ugudanbayna,madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u mahadceliyay allahii suuragaliyay buundadan iyo dhamaan dadkii kashaqaynayay oo dhan.

screenshot_20161025-113304Dhanka kale waxaa iyana bogaadiyay xadhig kajrka buundadan waangay bulshadii kasoo qaybgashay xadhig kajarkan oo mahad celin balaadhan u soo jeediyay xukuumada DDSI dadaalka balaadhan ee ay ku bixisay samaynta buundadan qaaliga ah.

Sikastaba ha ahaatee, buundadan ayaa ah midii ugu dhibka badnayd ee abid laga sameeyo deegaanka taasoo injineero badan ay ku guul daraysteen islamarkaana xukuumadihii hore ee deegaanka soomaray aysan hawaysan jirinba inay sameeyaan buundadan balse fikir caafimaad qaba, ka Go’naansho, iyo waliba ka daqanshada baahida bulshada Deegaanka ayaa keentay guushan lama iloobaanka ah.

 

Comments are closed