Kulan Lagaga Hadlayay Kor u Qaadida Nidaamka Dakhliga Oo Ka Dhacay Jigjiga.

screenshot_20161026-214524jigjiga  (NN) 26/10/2016

Kulan lagaga hadlayay  nidaamka kor u qaadida dakhliga oo ay soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI loona qabtay  ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Waxaana kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo k warbixiyay nidaamka lagu xoojinayo kor u qaadida dakhliga guud ahaanba deegaanka. Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ganacsatada iyo muwaadin kasta cashuurta ku waajibka ah ee uu bixiyaa tahay mid ka qayb-qaadanaysa hawlaha horumarka gaar ahaa adeegyada aasi aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadk iyo biyaha. wuxuuna maareeyuhu sharax dheerka bixiyay shuruucaha   nidaamka cashuuraha bixinta. Maareeyaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay kaalintooda ka soo baxaan maadaamo oo ay  hawlaha horumarka laf dhabar u tahay bixinta cashuuraha ku waajibka ah muwaadiniinta.

screenshot_20161026-214546Dhankooda ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan dhinaca bixinta cashuuraha waajibka ku ah si ay uga qayb=qaataan sii xoojinta iyo kor u qaadida guud ahaanba dakhliga deegaanka.

Comments are closed