Kulan lagu Qiimaynayay Diyaargarawga Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

xakiimJigjiga (NogobNews) 27/10/2016

Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI kulan lagu  Qiimaynta Diyaar garawga  Barnaamijka shabakada damaanad qaadka cuntada magaalooyinka. Urban Productive Safety Net Program (UPSNP).

1Kulanka oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ah wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiga isku dhafka oo ka kala socday bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI, wasaarada  shaqada iyo arimaha bulshada JDFI, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin.

Waxana, kulankan lagu soo bandhigayay warbixin  daraasaad  ay sameeyeen gudigan isku dhafka ah kaasi oo ku salaysan  heerka fulineed ee diyaar garawga  Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka  (UPSNP) ee magaalada jigjiga.barnaamijkan  uu maalgaliyo bangiga aduunka, ayaa waxaa laga hirgalinayaa  11 magaalo oo dalkeena ah taasi oo ay ka mid tahay magaalada jigjiga. Warbixinta ay soo badhigeen gudigani ayaa waxay ku sheegeen in  Magaalada Jigjiga Buuxisay Dhaman Shuruudahii Looga Baahnaa hirgalinta barmaamijkan.

2madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar  oo ka hadlay kulankaasi ayaa  aad u bogaadiyay natiijada  fiican ee ka soo baxday qiimayntii ay gudiga isku dhafku soo saareen daraasaadkii ay ku sameeyeen magaalada jigjiga. madaxwayne ku xigeenka ayaa si wayn ugu mahad celiyay Dadaal Is ku xidhan iyo Ka go’nansho ay Sameeyen Hay’adaha bahwadaagta barnaamijkan. waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwayne ku xigeenku in baraamijkani yahay mid diirada saaraya sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadilahaa  heerka nolosha bulshada ku dhaqan magaalooyinka DDSI.

Comments are closed