DAAWO Garowe: Banaanbixii looga soo horjeeday Kaalinta Dowlada Federaalka ku leedahay dagaalka Gaalkacyo – VIDEO

garooweGaroowe (NogobNews) 28/10/2016

Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland shalay lagu qabtay banaanbax looga soo horjeeday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay xukuumada Madaxweyne Xassan Shiikh dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Shacabka isugu soo baxay bartamaha magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Madaxda dowlada Soomaaliya oo ay ku eedeenayaan inay qeyb ku leeyihiin colaada dib uga soo cusboonaatay gobalka Mudug.

Qaar kamid ah dadkii goobtaasi ka hadlay ayaa dowlada Puntland ka codsaday in la joojiyo dhamaan wada shaqeynta u dhaxeysa Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa goobtaasi hadalo kasoo jeediyey mas’uuliyiin ka socota dowlada Puntland oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Cabdullahi, kuwaasi oo shacabka Puntland ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen duulaanka lagu soo qaaday Puntland.

Comments are closed