Ciidamada Maraykanka iyo kuwa danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa isla markiiba baaritaan ku bilaabay weerarkaasi iyadoo aan weli wax faah faahin ah laga soo saarin baaritaanka socda.
Waxaa maanta oo Jimce ah la sheegay inay xiran tahay gebi ahaanba Safaarada Maraykanka ee Nairobi.
Weerarkan ayey Booliiska Kenya ku eedeenayaan Al Shabaab, walow kooxdaasi aysan weli sheegan.
Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro ka geysatay qeybo kamid ah dhulka Waqooyi Bari Kenya ee saaran xaduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada Mandheera oo ay ka dhaceen weeraro ay kooxdaasi geysatay.
Comments are closed