DAAWO SYRIA: Diyaaradaha Ruushka oo mar labaad duqeeyey Iskuulo iyo UNka oo cambaareeyey – VIDEO

siiriyaSiiriya (NogobNews) 28/10/2016

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo dowlada Siiriya ayaa Khamiistii shalay duqeeyey magaalada Duuma oo ku taal duleedka Caasimada Dimishiq, dhulkaasi oo ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka.

Duqeynta Duuma ayaa markale lala beegsaday daaro ay ku yaalaan Iskuulo ay dhiganayeen caruur badan, waxayna duqeyntan imaaneysa iyadoo Arbacadii sidan oo kale diyaaradaha u duqeeyeen iskuulo ku yaal magaalada Haas ee gobalka Idlib.

Hay’ada UNICEF ayaa si adag u cambaareysay xasuuqa loo geystay caruurta, uguna baaqay in baaritaan lagu sameeyo danbiyadan dagaal, waxaana laga codsaday in Golaha Amaanka uu arrintan si degdegleh uga fariistaan.

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyey iyagoo sheegay in diyaaradahooda aysan ka qeyb qaadan duqeymaha lala beegsaday iskuulada ku yaal dalka Siiriya, qaar kamid ah mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sidoo kale beeniyey gebi ahaanba inay dhacday wax duqeyn ah iyagoo ku tilmaamay muuqaalada halkaasi laga soo duubay kuwo gacanta lagu sameeyey, waa siday hadalka u dhigeenee.

Comments are closed