Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay gantaal xuutiyiinta Yaman ku rideen Makka

makaMuqdisho (NogobNews) 29/10/2016

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si kulul u cambaareysay weerar gantaal loo adeegsaday oo habeenimadii Jimcaha ina dhaafay ay ku tuureen magaalada barakeysan ee Makka xuutiyiinta Yaman.

War-saxaafadeed laga soo saaray wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay wal walka iyo walaaca dowladda Soomaaliya ee ku aadan tallaabad ay qaadeen xuutiyiinta ee lagu weeraray magaalada Makka.

“Waxaan  si adag u cambaareyneynaa weerarkii gantaaalka balastikada loo adeegsaday ee xuutiyiinta Yaman ku qaadeen magaalada barakeysan ee Makka, waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxaan cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaarsan ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Dhinaca kale , war saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay sidda dowladda Soomaaliya uga xun tahay dagaallada wali ka sii soconaya dalka Yaman iyo xaalad nolaleed ee halkaa ka jirta, iyada oo baaq u dirtay xukuumada sharciga ee ah ee dalkaasi Yaman.

“Marka ayeey xukuumada federaalka Soomaaliya ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yaman, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale in ay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.”

Ugu danbeyntii, mucaaradka xuutiyiinta ayaa sheegay in gantaalkaasi ku rideen dhinaca garoonka diyaaradaha magaaladda Jeddah.

 

Comments are closed