Su’aalo ay ku waydiiyeen Xildhibaanadda Furitaanka Kalfadhiga 38aad ee Barlamaanka Barlamaanka Puntland ayuu madaxweynuhu wuxuu ku sheegay in dhismaha Ballaarinta Dekeda Bosaso ay cidkasta iyo wadankasta oo ka caawin kara uu kala hadli doono oo uusan ka daali doonin.
Md Cabdiweli Gaas iyo Wasiirkiisa Dekedaha Siciid Maxamed Raag ayaa toddobaadkii hore ka soo laabtay Dalka Imaraadka Carabta, halkaasi oo la sheegay in tageen wadaxaajood la xiriira Dhismaha Iyo Ballaarinta Dekeda Bosaso ay kula jireen shirkadda DP World oo Fadhigeedu yahay dalka imaraadka Carabta.
Dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Waxgarad ayaa iswaydiinaya Sababta Keentay in madaxweynuhu uu si deg deg ugu laabto Imaraadka Carabta iyadoo isla maanta la Furay Kalfadhigii Barlamaanka Puntland, Xildhibaanadu ay wax ka waydiiyeen Safarada faraha badan ee Madaxweynuhu uu baxo, taasi kharash badan oo cashuurta dadweynuhu uu ku baxo, sidoo kalana dalku ay ka jiro dagaalo Wajiyo badan leh iyo Abaaro ku baahay inta badan degaamadda Puntland.
Comments are closed