Dhulgariir xoogan oo mar kale ka dhacay Bartamaha Italy

italeyItaly (NogobNews) 30/10/2016

Dhulgariir awoodiisu tahay 6.6M ayaa mar kale ka dhacay subaxnimada Axadda bartamaha dalka Talyaaniga, kaas oo laga dareemay magaalada Rome.

Dhulgariirka xoogiisa ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw magaalada Perugia.

Dhulgariir kan oo kale ah ayaa xagaagii sanadkan 2016 ka dhacay isla bartamaha Talyaaniga kaas oo ay ku geeriyoodeen 250 qof.

Sida laga soo xiganayo Reuters guryo badan ayaa ku soo dumey, waxaana goobahaas gaarey shaqaalaha hay’adda badbaadada rayidka, ma jiro wax hadal ah oo ka soo abxay hay’adda badbaada rayidka ee Talyaaniga ee a xiriira khasaaraha ilaa hadda ay ogyihiin.

dhulgariir

Maalintii Arbacada ee la soo dhaafey ayey ahayd markii dhulgariirkii u danbeeyey uu ka dhacay isla bartamaha dalkaas, waxaana kani noqonayaa kii afaraad tan iyo bishii Agoosto 2016.

Comments are closed