Kenyatta iyo Al-Bashiir oo ka wada hadlaya sidii dalalkoodu uga bixi lahaayeen ICC

kenyaKenya (NogobNews) 30/10/2016

Madaxweyneyaasha Sudan iyo Kenya ayaa kulan ku leh Khartoum Sudan.

Waxay masuuliyiintaasi ka wada xaajoonayaan sidii dalalkooda khaasatan iyo dalalka Afrika oo dhan looga saari lahaa maxkamada ICC.

Madaxweyneyaashaa ayaa sheegay in ICC ay tahay hub lagula dagaalamo dalalka Afrika ayadoo si gaar ah u bar tilmaansata madaxda Afrika isla markaana aanan caddaalad ahayn. Sidoo kale ayaa labada masuul ka wada hadli doonaan ammaanka gobolka.

Dhanka ammaanka ayaa laba madaxweyne ay ka wada hadlayaan xiisada colaadeed ee Koofur Suudaan.

Booqashada dalkaa uu ku joogo Madaxweyne Kenyatta oo qaadan doonta 2 maamlmood ayaa usuurta  galinaysa labada madaxweyne sidoo kale in ay isla qaadaa dhigaan amuuraha kale ee khuseeya IGAD.

Comments are closed