Waxaa uu ka dalbaday Erdogan mudanayaasha baarlamaanka dalkiisa in ay tixgaliyaan,islamarkaana hoose u eegaan soo jeedintiisa ku aadan in dib loo soo celiyo ciqaabta dilka.
Dowladda Turkiga ayaa joojisay sanadkii 2004, ciqaabta dilka, waxaana tallaabada madaxweyne Erdogan diidan oo siweyn uga soo horjeeda ururka midowga Yurub.
Waxaa ay hogaamiyayaasha midowga Yurub ka digayaan in dib loo soo celiyo xukunada dilka, taasoo saameyn ku yeelan doonta ka mid noqoshada Turkiga ee Ururka Midowga Yurub.
Dowladda Turkiga ayaa u xir xirtay dad tiradooda gaareyso 35 kun oo ruux afgambigii fashilmay ee dhacay bishii July ee sanadkan, waxaa ay dowladda Turkiga afgambigaa dhicisoobay dusha ka saartay wadaadka dibad jooga ah Fethullah Gullen.
Comments are closed