Arrintan ayaa waxaa ku guuleystay oo ka soo shaqeeyay ganacsato iyo waxgarad ka soo kala jeedda labada dhinac, oo ku booriyay labada maamul in ay tallaabadan qaadaan.
Mid ka mid ah waxgaradka Gaalkacyo oo lagu magacaabo Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa sheegay, dadka lagu qabtay dagaallada yihiin intooda badan dad shacab ah oo aan waxba ka quseyn dirirta labada dhinac u dhaxeysa.
“Waxgaradka labada dhinac ayaa dadaal u galay siddii maxaabiistan leysku weydaarsan lahaa, Galmudug dhinaceeda waxaa ay soo wareejisay afar nin, halka Puntland ay soo wareejisay hal nin, ayuu yiri” nabadoon Aloore.
Nabadoonka ayaa intaa ku darray in ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu kala qaado ciidammada isku hor fadhiya qeybo ka mid ah magaalada.
Ugu danbeyntii, maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalada ku qabteen.
Comments are closed