Ciidamada AMISOM oo la wareegay ammaanka magaalada Cadaado

amisonCadaado (NogobNews) 01/11/2016

Iyadoo dhawaan magaalada Cadaado ay gaareen ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ciidmadaasi ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada.

Madaxtooyada Cadaado iyo xarunta Kafaale ee hoyga u aheyd ergooyinkii wax ka dhisay maamulka Galmudug ayaa waxaa la wareegay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Jabuuti.

Ciidamada ayaa xiray waddooyinka hor mara madaxtooyada Cadaado iyo kuwa kale, si ay u sugaan ammaanka guud .

Waxa ay gaarayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Cadaado 400 askeri, waxaana loogu tala galay in ay sugaan ammaanka inta ay socota doorshada xubnaha aqalka hoose ee dowladda Soomaaliya.

Comments are closed