Daawo Morocco: Mudaharaadyo ka dhashay Dil loo geystay nin Kaluumeysato ah – VIDEO

marocMarocco (NogobNews) 01/11/2016

Wadanka Marooko (Morocco) ayey tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay ka socdaan banaanbaxyo shacabka ay uga soo horjeedaan dil loo geystay nin ka ganacsan jiray Kaluunka.

Ninkan ayaa la sheegay in Jimcihii lasoo dhaafay uu dhintay xili uu isku dayey inuu dib u helo kaluunkii uu iibin jiray oo la sheegay inay Booliiska ka qaadeen, isla markaana uu isku dayey inuu xoog ku furto kaluunkiisa oo lagu tuuray gaariga qashinka qaada, waxaana la sheegay in la jiirsiiyey gaariga.

Arrintan ayaa keentay carada shacabka oo marar badan ay horey usoo martay awooda ay booliiska u isticmaalaan dadka saboolka ah, wuxuuna dilkan noqday mid kiciya shacabka dalkaasi Marooko oo aan inta badan lagu aqoon Kacdoonka noocaan ah.

Dowlada Marooko ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dilka ninkan kaluumeysatada ah oo ay booliiska ku eedeeyeen inuu sharciga jabiyey, walow ay weli sii socdaan mudaharaadka ay dhigayaan shacabka dalkaasi.

Xukuumada Marooko ayaa dooneysa inay arrintan qaboojiso iyadoo ogsoon in dowladii Tunisia ay sidan oo kale ku burburtay kadib kacdoon ka dhashay wiil gadan jiray khudaarta oo ay Booliiska dhibaato u geysteen kaasi oo is gubay sanadkii 2011, falkaasi oo uu ka dhashay kacdoon ay shacabka ku rideen dowladii dalkaasi kasoo talineysay in ka badan 30 sano.

Comments are closed