Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarunta ciidamada cirka ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (NogobNews) 01/11/2016

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray xarunta ciidamada cirka ee magaalada Muqdisho.

Xafladda dib u howl gelinta xarunta ciidamada cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka soo qeyb galay taliyaha ciidamada cirka, taliyaha nabad sugidda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Maxamuud Shiikh Cali taliyaha ciidanka cirka oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ay aheyd xarunta ciidanka cirka meeshii ugu horeysay ee lagu asaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale goobta ka hadlay taliyaha ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmad waxa uuna sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda isal markaana xariga ka jaray xarunta ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka.

Comments are closed